BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
08 Juun, 2009, 13:48 GMT; 16:48 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Sh Xasan oo beeniyay inuu dhaawacmay
 

 
 
Shiikh Xasan Daahir
Shiikh Xasan Daahir waxa uu shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho
Hogaamiyaha Xisbul Islaam, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay ama ku dhintay dagaal dhawaan dhexmaray mucaaradka iyo dowladda.

Waxaa maalmahan suuqa ku jiray wararkaasi sheegayay in Shiikhu ku dhaawacmay ama ku dhintay dagaalka ka dhex socda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac kale ah.

Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Shiikx Xasan Daahir, magaalada Muqdisho ayaa kadib waxa uu wareysi siiyay BBC, isagoo ku beeniyay wararkaasi oo uu sheegay inay faafiyeen sida uu yiri niman jabay oo doonayay in ay oohin ku baabi'iyaan.

Shiikh Xasan ayaa ku tilmaamay dagaallada ka socda gobollada dhexe inay yihiin kuwo dibedda laga soo abaabulay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin