BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
05 Juun, 2009, 17:14 GMT; 20:14 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Khudbaddii uu jeediyay Barack Obama
 

 
 
Obama iyo Mubarak
Madaxweyne Obama iyo dhiggiisa waddanka Masar Xusni Mubarak
Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay, Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama khudbaddii dheereeyd ee taariikhiga ahayd ee uu ka jeediyay jaamicadda magaalada Qaahira, taasi oo uu kula hadlayay dunida Muslimka.

Waxaa ka qeybgalaya barnaamijka oo khudbaddaasi falanqeyn doona aqoonyahano Soomaaliyeed, iyadoo dhagasytaasha BBC ay iyana fikirkooda ka dhiiban doonaan.

Madaxweyne Obama ayaa intii uu joogay Masar waxa uu la kulmay dhiggiisa waddanka Masar Husni Mubarak .

Markii uu yimid Madaxweyne Obama magaalada Qaahira waxaa si aan horey oo arkin loo adkeeyay amaanka jidka isku xira garoonka diyaaradaha iyo Qasriga Qubba, halkaasi oo horey u ahaan jirtay gurigii uu degenaan jiray Boqorkii Masar ee Faaruuq.

Jidadka ayaa gabi ahaan la faaruqiyay, marka laga reebo boqolaal ciidamo ah oo la dhigay dhinacyada jidadka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa markii uu ku jiray ololada doorashada waxyaabaha uu balanqaaday waxaa ka mid ahaa inuu soo celin doono xiriir wanaagsan oo dhexmara Mareykanka iyo Dunida Muslimka, isagoo sheegay in khudab dheer uu Dunida Muslimka uga jeedin doono caasimad waddan Muslim ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin