|
Dagaal ka dhacay deegaanka Wabxo
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dagaallo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta ee Xisbul Islaam iyo al-Shabaab oo dhinac ah, iyo koox diimeedka Ahlu Sunna wal
Jamaaca ayaa ka dhacay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.
Weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimu oo la hadlay afhayeenada dhinacyada dagaallamaya ayaa mid walba waxa uu sheegtay in dhinacooda ay guul ka gaareen dagaalka. Ilaa toban qof ayaa ku dhintay dagaalka, oo la isku adeegsaday noocyada hubka waaweyn iyo kan yaryar, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan. Deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa dhawaanahan waxay dagaallo ku dhexmarayeen kooxo iska soo horjeeda oo ku dagaallamaya
gacan ku heynta tuulladaasi. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||