BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
01 Juun, 2009, 15:39 GMT; 18:39 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dayaarad sidda 228 ruux ayaa la waayay
 
Dad ehelkoodu la socday dayaaradda
Dad ehelkoodu la socday dayaaradda
Dayaarad Air France ay leedahay oo sidday 228 ruux ayaa la la' yahay.

Dayaaraddu waxay ka soo kacday Rio de Janeiro oo ka tirsan Brazil waxayna u socotay Paris oo ah caasimadda Faransiiska.

Marka la waayay waxay dul maraysay badweynta Atlantikada, oo u dhexeysa qaaradaha Yurub iyo America.

Sidaa darteed ayaa dayaarado ka socda Brazil iyo kuwa Faransiisku leeyahay waxay hadda baaritaan ka wadaan aag aad u ballaaran oo badweynta ah.

Gegida dayaaradaha Charles de Gauelle ee magaalada Paris ayaa koox u xil saartay in ay xaaladda wax ka qabtaan.

Waxaa hadda la qiyaasayaa in dayaaradda uu ku dhacay danab ama biriq.

Dayaaradda waxaa la socday 216 rakaab ah iyo 12 ka shaqeynayay dayaaradda, oo ay ka mid yihiin 3 duuliye.

Ilmo yar oo muluq ah, 7 carruur ah, 82 haween ah iyo 126 nin ayaa saarnaa dayaaaradda.

Dadka dayaaradda la socday waxay ahaayeen 33 dhalasho oo kala duwan: 61 Faransiiska ah, 58 Brazil u dhashay iyo 26 Jarmal ah ayaa la sheegay ilaa iyo hadda.

Dowladda Ireland, ayaa iyaduna sheegtay in 3 haween ah oo Irish ahi ay dayaaradda saarnaayeen.

Dayaaradda la la' yahay oo tirsiga duullimaadkeedu ahaa AF447, nooceedu waa Airbus A330.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin