http://www.bbcsomali.com

15 May, 2009, 17:12 GMT; 20:12 SGA

Adan Nuux Dhuule
BBC London

Dagaallada ka socda magaalada Muqdisho

Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay dagaallada u dhexeeya dowladda iyo kooxda mucaaradka ee ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Falanqeynta

Barnaamijka ayaa waxa ka qeybgalaya Wasiirka garsoorka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sh Cabdiraxmaan Janaqoow iyo Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Mahdi.

Waxaa sidoo kale barnaamijka ka qeybgalaya qaar ka mid ah dhageystayaasha BBC oo ka dhiibanay aragtidooda iyo su'aalaha ay qabaan.