BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
29 May, 2009, 14:25 GMT; 17:25 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika
 

 
 
qabri
Qabuuro lagu aasay Soomaali lagu dilay waddanka Koonfur Afrika
Ku dhowaad 20 sano oo Soomaaliya ay ka jireen dagaallo lagu hoobto bara kac iyo dhibaatooyin dhinaca nabadgelyada la xiriira ayaa dadka Soomaliyeed qaar badan oo ka mid ahi dalka ka qaxeen, oo wadamo kale oo Africa, Asia, Yurub iyo Waqooyiga Ameerikaba tageen, iyagoo baadi goob ugu jira nolol dhaanta tii dalkooda ka jirtay ee ay ka soo carareen.

Wadamada Africa ee ay Soomalidu tagtay meheraddana ka sameysay waxaa ka mid ah, South Africa, oo hadda ay Soomaalidu noqotay sida ay dowladdu dalkaasi sheegtay kuwa ugu firfircoon dhinaca shaqada iyo ganacsiga, ee dadka ajaaniibta ah ee ku nool dalkaasi.

Waxaase la soo gudboonaaday dil, dhac iyo dhibaatooyin kale oo ay ka muteen joogista wadanka, Soomalida oo meherada ugu weyn ee ay South africa ka qabtaan ay tahay ganacsigu ayaa waxaa lagu dilay wadankaasi tan iyo 1996 dii tiro ku dhow shan boqol oo qof oo Soomali ah, halka sanadkan aanu ku jirno ay tirada Soomalida ee sida ula kaca ah loo dilay ay kor u dhaartay soddon qof.

Haddaba markii aan dhowaan booqday South Africa, ayaan la kulmay Soomaali badan oo wadankaas ku nool, waxaana barnaamijka Falanqeynta Jimcaha uu ku saabsan yahay mowduucan.

Maxaa keena dilka lala beegsado Soomalida South Africa ku nool?

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin