|
Saameynta hoos u dhaca dhaqaalaha ee Afrika
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dhibaatada hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka ee lagu jiro, ayaa ka bilaabmatay markii bangiyada Maraykanka, ay daymo badan
oo guryaha lagu iibsado ay siiyeen dad badan oo aan daynta iska bixin karin markii ay dulsaarka lacagta daynta korortay.
Qasaaraha bangiyada adduunka soo gaaray ayaa keenay in kalsoonidii ay bangiyada iyo suuqyada lacagaha laga dayn sado ay yaraato. Taasoo keenaysa in lacagihii daymaha ay yaraato, kuna dhacdo lacag la'aan shirkadaha ganacsiga iyo macaamiisha wax iibsanaya. Arintan ayaa keenytay in shirkado badan ay bur buraan, shaqaale badana ay shaqadooda waayaan. Qaaradda Afrika, ayaa habka ay bangiyadeeda u shaqeeyaan ay ka duwan yihiin habka ay bangiyada reer galbeedka u shaqeeyaan oo ah hab maal galino qatar ah ay galaan. Laakiin dhaqaalaha aduunka ayaa ah mid aad iskugu xiran , waxaa Afrika hoos u dhacay qiimaha macdanta iyo shidaalka ay u dhoofin jirtay wadamada horay u maray iyo waxaa yaraaday baahidii alaabooyinka kale ee Afrika ay dhoofin jirtay, waxaa kaloo yaraaday maalgashigii shisheeye ee Afrika Wariyaha BBC-da Martin Plout ayaa warbixintan ku eegaya saamaynta hoos u dhaca dhaqaalaha uu ku yeelan karo Afrika. |
WARARKA LA XIRIIRA
Saameynta hoos u dhaca dhaqaalaha ee dalka Shiinaha 08 Janwari, 2009 | Wararka
Ganacsiga Beeraha25 Februweri, 2009 | Wararka
Qiimaha guryaha Dubai oo hoos u dhici doona13 Nofembar, 2008 | Wararka
Dhibaatada dhaqaalaha Adduunka17 Sebtembar, 2008 | Wararka
Ganacsiga: Xaaladda suuqa guryaha Mareykanka05 Agoosto, 2008 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||