|
Ciyaarta kama dambeysta ee FA Cup
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Everton, ayaa waxaa lagu qasbi doonaa in ay tikidhada ka gataan kuwa xayeysiisa, haddii
ay doonayaan inay daawadaan cayaarta kama danbeysta ah ee ay la leeyihiin Chelsea.
Hadalkan ayaa waxa sheegay madaxa guud Robert Elstone. Elstone ayaanan ku faraxsaneyn in 25,109 tikidh oo loo qoondeeyay kooxdooda cayaarta kama dambeysta ah ee dhici doonta 30 bishan May, iyadoo ay gateen in ka badan 32 kun oo tikidh cayaartii semi-final ee tan ka horeysay oo ay kaga guuleeysteen kooxda Manchester United. "Waa ay noo caddahay in 25,000 tikidh aanay nagu filneyn, waa niyad jab" ayuu yiri madaxa Toffees. Cayaarta ayaa waxay ka dhici doontaa garoonka Wembley oo qaada 90,000 oo qof, iyadoo loogu tala galay 40,000 oo tikidh wax
loogu yeeray qoyska kubadda cagta. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||