|
Ardeyda Soomaalida ee ku nool dalka India
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan, waxa aan ku soo qaadan doonaa dood aanu u qabanay dhalinyarada Soomaalida ee wax
ku barata Jaamicadaha ku yaalla waddanka India, gaar ahaan magaalada Hyderabad.
Iyadoo weriyeyaasha BBC ay wali ka soo waramayaan doorashooyinka waddanka India, ayaa waxay halkaasi marba magaalo ay ku tagayaan tareenka BBC oo isu maraya gobollo badan oo ka tirsan waddanka India. Haddaba, markii ay tageen magaalada Hyderabad ayaa laanta Af - Soomaaliga ee BBC waxa ay dood ugu qabatay hotelka Taj Krishna ee magaaladaasi, dhalinyarada Soomaaliyeed qaarkood ardeyda ka ah magaaladaasi Hyderabad. Dooddan, ayaa ardeyda Soomaalida waxa ay kaga hadlayaan, arrimaha xagga waxbarashadooda iyo dhibaatooyinka ay kala dersaan. Waxaa sidoo kale ay ka hadlayaan dhisitaanka ururro matala ardeyda Soomaalida ee wax ka barata India. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||