|
12 waddan oo balanqaaday koronto dheeraad ah
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Laba iyo toban waddan oo Afrika ah, ayaa balanqaaday inay koronto siiyaan cayaaraha koobka adduunka ee la qabanayo 2010, si
ay uga hortagaan in korontadu ay go'do.
Waddamada Afrikada koonfureed, oo xubno ka ah urur la yiraahdo SAPP ayaa waxay sheegeen inay koronto dheeraad ah siin doonaan Koonfur Afrika marka la qabanayo cayaaraha. Waddanka Koonfur Afrika ee marti gelinaya cayaaraha adduunka ayaa waxa sanadkii hore soo wajahay koronto xumo, taasi oo sababtay in shaki la galiyo awooddeeda inay qaban karto cayaaraha. Waddamada Afrikada Koonfureed balanqaadkan ay sameeyeen, oo looga dhawaaqay kullan ka dhacay caasimadda Mozambique ee Maputo, ayaa waxa soo dhaweeyey shirkadda dowladdu leedahay ee Koonfur Afrika u qaabilsan korontada Eskom. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||