BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
01 May, 2009, 17:53 GMT; 20:53 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dhibaatooyinka laga sheegay baasaboorka
 

 
 
baasaboor
Baasaboorka cusub waa mid elektaroonik ah
Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan waxa uu gabi ahaantiisa ku saabsan yahay dhibaatooyin laga sheeganayo baasaboor ka cusub ee dhawaan ay soo saartay dowladda.

Baasaboorka cusub oo dowladdau ay ugu tala gashay inuu beddelo kii hore ee la isticmaali jiray, ayaa tan iyo markii ay dowladdu keentay waxaa cabasho ka muujiyay dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

Waaxda socdaalka ee dowladda KMG ah ayaa war ay soo saartay muddo hore in la joojiyay isticmaalka baasaboorkii hore uu ku ekaa 30-kii bishii June ee sanadkii 2007.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadamada dibedda qaarkood oo isticmaali jiray baasaboorkii hore ayaa sheegaya in ay adag tahay helitaanka baasaboorada cusub, isla markaana aanay la jaan qaadi karin xaqiiqada jirta iyo duruufaha hadda taagan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin