|
Muuqaal ku saabsan gurigii Mahatma Gandhi
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Mahatma Gandhi, waa aabihii dalka India ku riday rastada gobonimada uu ku gaaray.
1869 ayuu ku dhashay gobolka Gujaraj, haddana ah caasimaddiisa magaalada Ahmedabad, ayaa xaruuntan isaga lagu xusaa oo ay ka dhisan tahay Gandhi Ashram. Waa gurigii isagu uu degenaan jiray, halgankana uu ka wadi jiray. Waxrbixintan waxaad ku arki doontaa taallo isaga loo sameeyay, oo guriga ku dhextaalla. Daartaas gurigu leeyahay ayay dadku soo booqdaan. Lagu dhex fakiraa, shanqar iyo buuq midna aanu ka jirin. Lagu aqriyaa xikmaddiisi, isla markaana gurigii uu degenaa lagu soo booqdaa iyo sidii uu u noolaa. Gandhi Ashram, maadaama ay tahay goob aamus badan, oo dadku shiban yahay oo la fakirayo, ardeyda jaamicadda injineeriga baranaysa
ayaa la keenaa sanadka koowaad, si ay ugu bartaan sameynta naqshadda dhismaha. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||