|
Lacagta loo uruuriyay dowladda Soomaaliya
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay lacga loo uruuriyay dowladda Soomaaliya si wax looga qabto
arrimaha ammaanka Soomaaliya.
Waxaa ka qeybgalaya mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, mucaaradka iyo rag aqoonyahano ah oo Soomaaliyeed. Waddamada deeqda bixiya ayaa balan qaaday in ka badan 250 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo ammaanka waddanka Soomaaliya. Louis Michel, oo ah madaxa dhinaca horumarinta iyo gargaarka u qaabilsan Midowga Yurub, ayaa sheegay in shirka magaalada Brussels uu ahaa mid guul laga gaaray, oo bartilmaameedkiisi gaaray. Lacagta loo uruurinayo Soomaaliya, ayaa waxaa wax looga qabanayaa sidii loo dhisi lahaa ciidamo nabadda ilaaliyo, kana hortaga burcad badeedda, isla markaana loo soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii Soomaaliya. Guddiga Midowga Yurub ayaa balan qaaday inuu bixinayo afar meelood hal meel lacagta la balan qaaday oo dhan. Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon ayaa sheegay in burcad badeeddu aanay ahayn cudur ka dhex dhashay biyaha, balse ay tahay
wax ka dhashay nabadgelyo la'aanta iyo qaska ka taagan dhulka. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||