BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
21 Abriil, 2009, 15:01 GMT; 18:01 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Cabdiweli oo lasoo taagay maxkamad
 

 
 
Cabdiweli Muusa
Cabdiweli Muusa waxaa qabtay ciidamada badda ee Mareykanka
Dacwo-oogaha dowladda Mareykanka ayaa kusoo oogay ninkaas, oo la yiraahdo C/wali C/qadir Muuse, shan fal dambi, oo nuxurkoodu uu yahay burcad-badeednimo caalami ah oo loo geystay shakhsiyaad iyo hanti uu Mareykanku leeyahay.

Haddii ay maxkamaddu ku hesho mid ugu halisan dambiyadaas, oo ah fal-dambiyeed burcad-badeed oo ka dhacay bad caalami ah, garsooruhu wuxuu ku khasbanaan doonaa inuu C/wali ku xukumo xabsi daa'in.

Laakiin dacwaddu sidaas uma dhib yara. Qareenno ay dowladdu u qabatay C/wali, ayaa warbaahinta u sheegay inayba shaki galin doonaan sida loo soo xiray ninkan, oo waxay ku doodayaan inuu C/wali wada-xaajood kula jiray ciidanka Mareykanka, markii saaxiibaddiis la dilay, isagana la xiray. Mid kamid ah qareennada C/wali ayaa tallaabadaas ku sifeeyey afduub.

Katiinado ayaa gacmaha, lugaha iyo waliba dhexda uga xirnaa Cabdiwali markii galabnimadii Talaadada lasoo taagayey maxkamadda. Wuxuu xirnaa dhar kuwa maxaabiista loo galiyo oo buluug ah, tobaneeyo askari iyo boqollaal wariye ayaa dhinac dudayey. Isagoo ay ka muuqato inuu la yaabban yahay xiisaha gaarka ah ee la siinayo, ayuu mararka qaar dhoolla caddeynayey.

Laakiin markii uu galay gudaha maxkamadda, wuxuu billaabay inuu illimeeyey, markii loo sheegay eedaha ka dhanka ah. Marna ma uusan hadal. Waxaa wada hadlayey garsooraha, dacwo-oogaha, iyo qareenka loo qabtay C/wali oo kaashanaya turjubaan Soomaali ah.

Garsooraha qaadaya dacwaddan, oo la yiraahdo Andrew Peck, ayaa ugu horreynba iska diiday hadal uu soo jeediyey qareenka C/wali, oo ah inuu 16-jir yahay. Garsooruhu wuxuu sheegay in maxkamaddu ay C/wali u aqoonsatay inuu 18-jir yahay, kaddib markii ay la hadashay aabbihiis iyo walaalihiis. Garsoore Peck wuxuu sheegay in C/wali Aabbihiis, oo uu taleefon kula xiriiray, uu ku andocooday inuu C/wali 16-jir yahay, ha yeeshee markii la weydiiyey inuu sheego xilliga ay dhasheen carruurtiisa kale, inuu jawaab waafi ah bixin waayey. C/wali hooyadiis, Cadar C/raxman Xasan, ayaa wareysi ay BBC-da siisday waxay ku adkeysatay inuu wiilkeedu 16-jir yahay.

Laakiin ku adkeysigaas waxaan dhag jalaq u siin garsoore Andrew Peck.Wuxuu sheegay in dacwadda C/wali loo qaadin doono ka qof weyn oo qaan-gaar ah ahaan, waa marka al eego sharciga Mareykanka'e, kaas oo wixii 18 ka yar u aqoonsan carruur.

Haddaba go'aankaas saameyn intee le'eg ayuu yeelan karaan? Arrintaas waxaan ka wareystay C/waxid Sh. Cismaan oo ah qareen sharciyada ka dhiga Jaamacadda Minnesota.

Shaqaalaha Mareykanka ah ee uu C/wali isku dayey inuu afduubo, ayaa maxkamadda u sheegay inay iyagu markii hore gacanta middi uga dhaaweceen C/wali, kaddibna ay xirteen, kahor intii aaney sii deyn, si ay ugu beddeshaan kabtankii laga heystay.

Faashad cad ayaa gacanta bidix uga duubneyd C/wali, markii maxkamadda la keenay.

C/wali hooyadiis, Cadar C/raxman Xasan, ayaa madaxweyne Obama ka codsatay inuu wiilkeeda usii daayo. Uma badna inay taasi dhici doonto, marka aad eegto xiisaha ay dacwadda C/wali ka leedahay dalkan mareykanka.

Inkastoo ay 10-daqiiqo oo kaliya ay socotay furitaanka dacwadda C/wali, haddana waxaa hubaal ah inay muddo dheer socon doonto. Waxay dacwaddu dib u furmi doontaa dhammad bisha soo socota ee May.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin