http://www.bbcsomali.com

04 Maarso, 2009, 18:43 GMT; 21:43 SGA

Eex la'aan

Mujaahid, xaq-u-dirir, gobannimo-doon, argagixiso, intuba waxay muujinayaan ammaan ama eedeyn qofka qoriga sita.

Madaxa BBC Laanta Soomaaliga, Yusuf Garaad

Isla qofka qoriga haysta ayaa dadka qaarna u arki karaan xaq-u-dirir, qaarna u arki karaan argagixiso.

Waxaa laga yaabaa in ay ka dhex dhexaadsan tahay adiga oo adeegsada qof hubeysan.

Barnaamijyada salaamaha waxaad maqleysaa aabbe hebel hebel ama hooyo hebla hebel.

Af Soomaaliga aabbe ma ahan derejo. Marka sow lama qaadan in qofka magaciisa la sheego lana yiraahdo wuxuu hambalyo u dirayaa aabbihiis ama wiilkiisa?

Waxaad maqleysaa erayo lid ku ah haweenka.

Ku tiri ku teen ayaa ka mid ah. Waxaa loola jeedaa in haweenku ay xanta iyagu sheegaan.

Laakiin wararka xanta ah ee inta badan siyaasadda ah dadka isu sheegaa inta badan waa rag.

Ta macnaheedu wuxuu yahay, in haddaan dumarka laga eexeneyn la dhihi lahaa ku yiri ku yeen.

Si kastab ha ahaatee waa eray in laga dhowrsado ay habboon tahay.

Habar fadhida legdini la fudud ayaad maqleysaa. Waxaa loola jeedaa in aan habari legdin ka bixi Karin.

Is weydii oday fadhiya isagu legdin wax ma ka galaa?

Gabar yar in ay nooga dhimato ma ahan dagaal ayaad maqelysaa qof dhahaya.

Waxaad arkeysaa in carruurta la xaq darayo. Laakiin waxaa iyaduna xaq darra ah in ilmo yar aan la dhihin ee la yiri gabadh yar. Taas haddaan loola jeedin in gabadhu ay ka qiimo yar tahay wiilka, maxaa kale oo ay noqon kartaa?