http://www.bbcsomali.com

03 Maarso, 2009, 17:28 GMT; 20:28 SGA

Qormada Radio

Marka aad dooneyso in aad diyaariso qormo loogu tala galay in Radio laga akhriyo, waa in aad maanka ku haysaa, in ka duwan tahay midda loogu tala galay TV iyo tan in wargeys ama barta internetka lagu daabacyo.

Madaxa BBC Laanta Soomaaliga, Yusuf Garaad

Halkan waxaan isku koobi doonaa qormada Radio waxa looga baahan yahay.

Waxaad xusuusnaataa in marka adiga oo aan arkayn marka aad maqasho codka qof buug kor u akhrinaya iyo qof qof kale la sheekeysanaya in ay kala duwan yihiin.

Marka isku day in aad u qormadaadu u ekaato sida qof sheekeynaya oo u sheekeynaya qof kale. Adeegso weedho (jumalado) gaa-gaaban. Sida tan oo kale.

Xusuusnow in qofka Radio dhegeysanaya marka ay noqoto in uu ka fekero macnaha ereyga aad isticmaashay, in ay ku keeni karto in wixii xigay ay dhaafaan.

Taas oo markaa fahamkeedu ku adkaan doono. Ogow qofka radio dhegeysanayaa ma haysto fursad uu dib ugu soo ceshado.

Qormadaadu waa in ay ahaataa, mid erayada ku jiraa ay yihiin kuwa maalin walba la isticmaalo oo macnahoodu uu fudud yahay.

Taa macnaheedu wuxuu yahay in laga dhowraa erayada af guriga ah, ama erayada suugaanta ee macnahoodu culus yahay.

Sidoo kale, waa in aad iska dhowrtaa erayada laba macnood ama ka badan yeelan kara, ama degaan-ba si looga yaqaan.

Ha isticmaalin sarbeeb. Sida uu dadku u hadlo iyo sida wax loo qoraa isku mid ma ahan. Dadku waxay ku hadlaan weedho fudfudud, oo gaagaaban.