BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Maarso, 2009, 01:09 GMT; 04:09 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya
 

 
 
Warbixinta ayaa sheegtay in Somalia ay gabood-fallo ba'an ka dhaceen
Warbixinta ayaa sheegtay in Somalia ay gabood-fallo ba'an ka dhaceen
Warbixintu waxay ku ararsatay in xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya kasii dartay sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo dhammaan dhinacyadii isku hayey Soomaaliya oo kala ahaa ciidanka DKMG oo gacan ka helayey kuwa Ethiopia, iyo kooxo kasoo horjeeday, ay geysteen xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Dilal qorsheysan, afduubyo, xarig aan sharci aheyn, dhac iyo boob, hanti la wareegid, iyo barakicin ayay warbixintu sheegtay in la'isugu daray shacabka ay dowlad la'aantu dilootay ee dalka Soomaaliya Waxaa waliba intaas sii dheeraa cabburin ka dhan ah warbaahinta, takoor lala beegsaday dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa itaalka daran, kufsi loo geystay dumar, carruur askar laga dhigtay, kuwa lagu khasbay inay xamaalaan, iyo gabood-fallo kale oo baahsan.

Mar haddii aysan dalka ka jirin dowlad dhexe oo la xisaabtami karta dhagar-qabayaasha gabood-falka geystay, waxay warbixintu waxay sheegtay in kooxihii iyo shakhsiyaadkii falalkaas geystay ay iyagoo xor ah meereystaan dacallada dalka.

Dilal qorsheysan

Gabood-fallada Somalia ka dhacay waxaa ugu daran dilalka qorsheysan iyo kuwa ay dagaalladu sababaan, oo aad ugu badnaa caasimadda Muqdisho.

Dhowr tusaale ayay warbixintu soo qaadatay. Bishii march 10-keedii sanadkii hore, laba nin oo aan heybtooda la garan ayaa gaadmo ku dilay Sh. Maxamed Axmed Kashka, oo kasoo baxay masjid oo ka jeediyey muxaadaro uu ku cambaareeyey dilalka qorsheysan.

Bishii April 19-keeda, ciidanka Ethiopia ayaa 21 qof oo rayid ah oo ka tirsan Xarakada Tabliigh waxay ku dileen masjidka Hidaya ee Waxara-Cadde ee duleedka Muqdisho. Sidoo kale, bishii August 16-keedii, ciidanka Ethiopia ayaa rasaas oodda uga qaaday laba bus oo kuwa rakaab-ka ah, kaddib markii bam lagu qarxiyey, waxayna halkaas ku dileen 60 qof oo rayid ah.

Bishii June 22-keedii, kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Maxamed Xasan Kulmiye, oo ahaa madaxa xafiiska dhexe ee ay Hey'adda Cilmi-Baarista iyo Wada-Xaajoodka ee CRD ku leedahay Beledweyne.

Sanadkii hore, waxaa kaloo aad loo ugaartay shaqaalaha gargaarka ee u adeegayay shacabka tabaaleysan.

Dilalka maxkamad la'aanta

Dilalkaas kooxo aan DKMG aheyn ayaa lagu tuhunsan yahay. Ha yeeshee, dowladda ayaa iyana dilal arxan darro ah lagu eedeeyey. Bishii January 13-keedii sanadkii hore, ciidanka dowladda ayaa toogasho ku dilay Xuseen Max'ed, oo ahaa sarkaal ammaan, oo lagu eedeeyey inuu haweeney dilay. Wax maxkamad ah lama soo taagin.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa isna waxaa qisaas lagu dilay Jamal Jabir, bishii March 31-keedii. Warbixinta ayaa sheegtay in odayaasha qabiilku aysan u oggolaan ninkaas inuu qareen qabsado.

DKMG waxaa intaas u dheer inay ciidankeedu dhowr goor dileen carruur. Waxaa kaloo lagu eedeeyey in iyaga iyo ciidanka Ethiopia ay marar fara badan duqeeyeen suuqa Bakaaraha ee Muqdidsho, halkaas oo ay dad badan ku dileen, kaddib markii iyaga lasoo weeraray.

Kooxaha dagaallama

Kooxaha dagaallama ayaan iyaguna dab yar shideyn, sida warbixintu sheegtay. September 10-keedii waxay Baydhabo ku toogteen xildhibaan Maxamed Cismaan Maye isagoo kasoo baxay salaadda maghribka. Waxay kaloo dileen Col. Max'ed Cabdi Shigshigow, iyadoo marar badanna weeraray guryo ay deggan yihiin xildhibaanno ay kamid yihiin Max'ed Xuseen Raage, oo ay wiilkiisa dileen, Cusmaan Caato, iyo Prof. Dalxa.

Ka sokow dilalka, waxaa jira eedeymo la xiriira xarig aan sharci aheyn, iyo xabsiyo ay xaaladdoodu hooseyso.

Maamulka Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa isna lagu eedeeyey gabood-fallo ay kamid yihiin in xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, oo loogu tala galay 150 maxbuus, in lagu hayey 700 oo qof. Maxaabiistaas, ayaa sida warbixinta ku xusan xitaa raashin ay quutaan la siin waayey, iyadoo nadaafad-darrada meesha ka jirtaana ay keentay cudurro fara badan. Ilaalada xabsiyada ayaa lagu eedeeyey inay si xun ula dhaqmaan maxaabiista.

Waxaa kaloo Somaliland lagu eedeeyey cabburin siyaasadeed. Bishii July ee sanadkii hore, waxaa la xiray saddex siyaasi oo doonayey inay xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah aasaasan. Bishii December ayaa lasii daayey, kaddib markii uu madaxweynuhu cafis u fidiyey. Warbixintu waxay kaloo walaac ka muujisay diba u dhaca ku yimid doorashada Somaliland.

Cabburinta ugu daran waxay warbixintu ku eedeysay kooxo diimeed qaraxyo la beegsaday goobo lagu daawado cayaaraha iyo aflaanta, oo ku kala yaalla Muqdsiho, Kismaayo iyo meelo kale. Kooxahaas ayaa dil, xarig iyo caga-jugleyn isugu dara ciddii ka hortimaadda sida ay iyagu u fasirtaa diinta Islaamka.

Dhanka Muqdisho, ciidanka Ethiopia ayaa bishii April ee sanadkii hore, waxay dhowr maalmood iska heysteen 40 carruur ah oo ay kasoo qabqabteen masjidka Al-Hidaaya oo ay carruurtu wax ku baranayeen.

Waxaa kaloo jiray xarig-siyaasadeed. Bishii April, waxaa xabsiga laga sii daayey Yuusuf Cali Haarun iyo Max'ed Nuur, oo labaduba ahaa garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare, iyagoo xirnaa tan iyo bishii September ee sanadkii 2007-da.

Dhac, boob & afduub

Dhaca iyo boobka ayaa isna aad loogu xusay warbixinta. Bishii March 04-teedii, sanadkii hore, ciidanka DKMG oo ay weheliyaan kuwa Ethiopia, ayaa bililiqo ugu dhaqaaqay suuqa Bakaaraha, iyadoo ay kor ka ilaalinayeen ciidamo kale. Inkastoo R/Wasaarihii hore uu ballan qaaday baaritaan, haddana cid falkaas loo xiray ma jirto.

Afduubka ayaa isna aad ugu badnaa Somalia sanadkii tagay. Dad badan ayaa wali ku maqan afduub, waxaana kamid ah wariye Amanda Lindhout, oo Canada u dhalatay, Nigel Brenen, oo Australia u dhashay, iyo C/fitaax Max'ed Cimi oo la socday. Waxaa la sheegay in dhibbnayaashan lagu hayo waqooyiga Somalia. Wariyayaal kale oo fara badan ayaa iyana ama la dilay, ama la heystaa.

Ugu dambeyntii, warbixintu waxay sheegtay in colaadda ka aloosan Somalia ay ku nafwaayeen in ka badan 3,000 oo qof sanadkii hore, ugu yaraan 5,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Guryohoodiina waxaa laga barakiciyey in ka badan hal milyan oo qof.

Khasaaraha intaa le'egna waxaa sabab u ah dowlad la'aanta ka jirta dalka, iyadoo haddii ay jirtana ay tahay mid itaal daran, dadkuna aysan awoodin inay codkooda ku beddelaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin