BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Maarso, 2009, 11:39 GMT; 14:39 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Kooxdii Sri lanka oo dib ugu laabtay dalkooda
 
militia
Kooxda weerarka qaaday
Kooxda Sri Lanka ee ciyaarta cricket-ka ayaa gaaray waddankooda kadib markii weerar ay ku qaadeen bus ay saarnaayeen koox dabley ah oo hubeysan magaalada Lahore ee waddanka Pakistan.

Toddobo cayaartooyda Sri Lanka ka tirsan ayaa weerarkaasi lagu dhaawacay, iyadoo lagu dilay lix ka tirsan ciidamada booliiska ee Pakistan iyo darawalkii baabuurka u waday.

"Midkeena ma fileyn inuu nolol uga soo baxayo xaaladdaasi" sidaasi waxaa yiri cayaartooy Mahela Jayawardene.

Thilan Samarweera,oo ah ciyaartooyga dhaawaca ugu culus uu soo gaaray ayaa waxa qaliin looga sameynayaa jilibka isbitaal qaas ah oo ku yaalla magaalada Colombo.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in ay ka heleen hub badan meel u dhaw goobtii uu weerarku ka dhacay, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn cidda ka danbeysay weerarkaasi.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin