BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Maarso, 2009, 18:13 GMT; 21:13 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Af-guri
 
Qariiradda Somalia
Haddaan isticmaalo alan, wey adag tahay in aad garato waxa aan ula jeedo haddaadan ku soo nolaan magaalada Jowhar, isla markaana aadan wax ka aqoon beerista qasabka.

Qasabka oo ah geedka laga sameeyo sonkorta oo ka baxa Jowhar, ayaa waxaa uu leeyahay xubno isku taxan oo sida xubnaha gacanta aad arekyso meesha ay ku kala qeybsamaan. Xubin kasta oo geedkaas ka mid ah ayaa la yiraahdaa alan.

Berigii dambena, afyaqaannada Soomaaliga sida cilmiga ah u baara ayaa ereygaas u adeegsaday eray bixinta oo waxay u beddeleen ereyga Ingiriiska ah ee syllable ayay eraybixintiisa Soomaaliga ah waxay u qaateen in uu yahay alan.

Eryadan u fiirso af-guriga ah, iyo kuwa u dhigma ee aan qiyaasayo in gobollo badan laga yaqaan.

Reer Djibouti ukunta waxay u yaqaannaan naalo. Kubbaddana dad baa u yaqaan gocos.

Woqooyi-Bari Kenya, haddii aad maqasho juumbi, waxaa loola jeeda cusbo.

Gambarka loo tartamayo haddii aad ka maqasho Woqooyi-Bari Kenya, waxaa loola jeedaa kursiga loo tartamayo.

Af-gurigu ma xuma haddii aad la hadleyso dadka degaankaaga.

Laakiin haddii internet aad wax ku qoreyso ama aad diyaarineyso qormo loogu tala galay in ay gaarto gobollo badan oo Soomaaliyeed, waxaa wanaagsan in aad isticmaasho erayo aad qiyaasi karto in dadka akhrisanaya, dhegeysanaya ama daawanayaa ay fahmi karaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin