BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
16 Februweri, 2009, 15:34 GMT; 18:34 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Beckham oo aan ku faraxsaneyn laabasho
 

 
 
beckham
Beckham waxa laga soo bixiyay cayaarta wareeggi koowaad
David Beckham ayaa waxa uu sheegay inuu ka laba labeynayo inuu ku laabto kooxda LA Galaxy, isagoo doonaya inuu meel joogto ah ka dhigto naadiga Serie A ee waddanka Talyaaniga ee AC Milan.

Galaxy ayaa waxa aanay ku faraxsaneyn in Milan ay ku guuldareysatay inay la kulnato waqtiga kamada dambeysta ah ee cayaaraha waaweyn ee Jimcada.

"Waan ogahay inay adkaan doonto inaan dib ugu laabto halkaas, markii wax walba ay dhamaadeen," ayuu yiri kadib cayaartii axadda ee Milan.

BBC ayaa waxay ogaatay in Talyaanigu ay siin doonaan wixii ku soo kordha ee aqbaar ah mustaqbalka Beckham.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ka ciyaara ee England waxa laga soo saaray wareeggii hore ee ciyaartii ay AC Milan 2-1 uga adkaatay kooxda Inter Milan, kadib markii dhaawac uu ka soo gaaray lugtiisa midig.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in cayaaryahanku ka qeybgeli doono tababarka kooxda isla markaana uu u safri doono Werder Bremen.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin