12 Janwari, 2009, 15:53 GMT; 18:53 SGA
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay, tiro intaa la egna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo ku dhexmaray kooxo deegaan ah iyo ururka Shabaab degmada Guri-ceel.
Dagaalka oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee dhawaanahan ka dhaca halkaasi, ayaa dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen in la isku adeegsaday hubka culus, iyadoo magaalada lagu duqeeyay hoobiyeyaal.
Degmada Guri ceel oo dadkii ku noolaa ay ka qaxeen dagaallada halkaasi ku dhexmaraya labada dhinac ayaa odoyaasha deegaanku ku guuleeysan waayeen inay qaboojiyaan.