06 Janwari, 2009, 14:52 GMT; 17:52 SGA
Ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kooxo maliishiyo Somali ah, ayaa waxay qabsadeen degmooyin hor leh oo ka tirsan gobolada Gedo iyo Bay.
Ciidamada ayaa wararku sheegayaan inay qabsadeen magaalada baardheere ee gobolka Gedo iyo magaalada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay.
Labada magaalo ayaa waxa horey gacanta ugu hayay kooxaha Islaamiyiinta ee Al Shabaab.