06 Janwari, 2009, 15:49 GMT; 18:49 SGA
Maxamed Ibrahim Macalimu
BBC Mogadishu
Hal askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somaaliya jooga AMISOM ayaa ku dhinatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay weerar saaka lagu bartilmaamdeedsaday ciidamada wadada u dhaxeysa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Afhayeenka ciidmada AMISOM Barigiye Bahoku oo shir jaraaid Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in askariga dhintay iyo midka dhaawacmay ay u dhasheen dalka Uganda waxana uu sheegay in ay ciidamada markii la qarxiyay ay wadada ka wadeen ka nadiifin waxyaabaha qarxa.
Afhayeenka ayaa weerarkaasi qaraxa waxa uu ku tilmaamay mid cawaannimo ah, isaga oo intaa ku daray in falkan qaraxa aanu cabsi galin doonin iyaga oo ay sii wadi doonaan u shaqeynta dadka Soomaalida iyo sidii nabad waarta ay u heli lahaayeen.