|
Aboutrika oo ku guuleeystay abaalmarinta BBC
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Mohamed Aboutrika oo u ciyaara Kooxda kubadda cagta ee Al Ahly iyo Masar ayaa loo caleemo saaray Ciyaaryahanka Kubadda Cagta
ee Africa 2008 ee BBC.
Ciyaaryahankan qadka dhexe ka ciyaara ayaa ku guuleeystay codad ka badan kala bar dhamaan codadkii dadka u codeeyay ciyaaryahanadii abaalmarinta BBC. In ka badan 155,000 qof ayaa codkooda ka dhiibtay abaal-marinta BBC, taasi oo ah mida keliya ee nooceeda ee loo qabto taageerayaasha kubadda cagta ee adduunka oo dhan. Aboutrika waxa uu tartanka kaga adkaaday ciyaaryahankii ku guuleeystay 2007 Emmanuel Adebayor, Didier Drogba, Samuel Eto'o iyo Amr Zaki. Abaalmarinta ayaa u ah aqoonsi weyn oo sanadka ah ciyaaryahanka, oo gacan ka geystay in waddankiisa uu ku guuleeysto tartankii Qaramada Africa iyo Naadigiisa oo qaatay horyaalka waddamada Africa markii lixaad. "2008 waxa uu ahaa sanad weyn," Aboutrika ayaa sidaa u sheegay barnaamijka ciyaaraha Africa ee Fast Track. "Fursad ayay ii ahayd aniga iyo kooxdeyda inaan calaamad u noqono kubadda cagta ee Masar iyo dunida."
Aboutrika ayaa waxa uu dheliyay goolkii ay Masar ku guuleeysatay koobkii Qaramada Africa ee lagu qabtay Ghana. “Abaalmarinta waxay ii tahay haddiyad cajiib ah," ayuu yiri Aboutrika. Tababarihiisa kooxda Al Ahly, Manuel Jose, ayaa sheegay in Mohamed Aboutrika uu u qalmo abaalmarintan. "Aboutrika waa ciyaaryahan muhiim ah," ayuu sii raaciyay. Aboutrika waa cayaaryahankii labaad ee u dhashay Masar eek u guuleeysta abaalmarintan, kadib markii Naadigiisa iyo saaxiibkiisa
caalamiga ah Mohamed Barakat, uu ku guuleeystay sanadkii 2005. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||