BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Janwari, 2009, 12:28 GMT; 15:28 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Guddiga doorashada Madaxweynaha
 

 
 
shiikh aadan
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Aadan Maxamed Nuur
Sii hayaha Madaxweynaha Somalia, ahna Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqy 15 xubnood oo noqonaya guddiga doorashada Madaxweynaha.

Guddigan oo uu guddoomiyuhu kaga dhawaaqay baarlamaanka hortiisa ayuu sheegay in inay u hawlgeli doonaan doorashada Madaxweynaha oo uu sheegay inay ka dhici doonto magaalada Baydhabo 26-ka bishan January.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay jiraan xildhibaano doonaya inay dhinac maraan axdiga KMG ah, isagoo intaa raaciyay inay mar walba u hogaansamayaan sida axdigu qorayo.

Qaabka doorashada Madaxweynaha iyo halka ay ka dhacayso ayaa lagu kala aragti duwan yahay iyadoo xildhibaanada qaar ay qabaan in aan lagu qaban karin Baydhabo, halka qaar ay soo jeedinayaan in lagu qabto waddanka Djibouti oo ay sidoo kale qabaan xukuumadda iyo mucaaradka fadhigiisu yahay Djibouti.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin