Maxamed Ibrahim Macalimu BBC Mogadishu
|
 |
 |
|
| Dad ku dhaawacmay dagaallada magaalada Muqdisho |
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic iyo duqeyn ka dhacday qeybo ka mida ah magaalada
Muqdisho.
Duqenyta ayaa bilaabatay kadib markii kooxaha Islaamiyiinta ay weerar ku qaadeen fariisimo ay deganaayeen ciidamada dowladda
iyo kuwa shisheeye, oo ay ka mid tahay xaruunta madaxtooyada.
Madaafiicda ayaa intooda badan waxa ay ku dheceen degmooyinka Hawlwadaag iyo Wardhiigleey, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen ama
ku dhinteen dad rayid ah oo aan ku lug lahayn dagaalka.
|