|
Maxkamadaha iyo Al-Shabaab oo dagaalay
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Hal qof ayaa dhintay dhowr-na waa ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay degmada Balcad oo u dhaxeeyey laba malleeshiyo oo Maxkamadaha
& kooxda Al-Shabaab kala taageersan.
Dagaalkan ayaa muddo kooban hakiye isu socodka gaadiidka ee waddada u dhaxeysa degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe, iyo Gobolka Banadir. Ma ahan markii ugu horreysay ee ay labada dhinac gacanta iskula tagaan. Ha yeeshee waxay kusoo beegantay iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga qabo in Midowga Maxkamadaha Islamaanka, oo iyagu ka qeyb galay heshiiskii Djibouti, iyo Kooxda Al-Shabaab, oo iyagu diiddan heshiiskaas, in khilaafkoodu uu sii ballaarto. Hadallo kulul Masuuliyiinta Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Somalia ee hadda ku sugan magaalada Muqdisho, iyo hoggaamiyayaasha Kooxda Al-Shabaab, ayaa warbaahinta isku marinayey hadallo ay isku naqdinayaan, oo ay isku eedeynayaan. Sh. C/raxman Janaqow, oo ah xoghayaha guud ee Isbaheysiga, ayaa khudbo uu ka jeediyey mid kamid ah masaajidda Muqdisho Jimcihii, wuxuu Al-Shabaab ku eedeeyey inay ka shaqeynayaan in ciidanka Ethiopia ay kusii nagaadaan dalka somalia. Wuxuu kaloo ku eedeeyey inay iibsadaan "dhiigga mujaahidiinta," iyagoo buu yiri sawirra ka qaatay dagaal-yahannada wax iska caabbinta, kaddibna dhaqaale ku raadsaday. Dhanka kale, amiirka Kooxda Al-Shabaab, Sh. Abu-Zubeyr, ayaa isna hadal uu jeediyey wuxuu Isbaheysiga ku eedeeyey inay la iibsaday, oo ay qaateen fikrado aan ku saleysneyn diinta Islaamka. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||