|
Barre Hiiraale oo u digay hey'adaha QM
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Barre Hiiraale, oo hoggaaminaya dagaalka ka socda gobollada Gedo, ayaa wareysi dheer oo uu siiyay BBC-da waxa uu uga digay
hey'adaha samaflka ee ka shaqeeya Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, inta goobahaas uu dagaalku ka socdo.
Inkasta oo aan Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose hadda dagaal ka socon, waxaa ay u muuqataa in duullaan ku soo fool leeyahay, kaas oo uu Barre Hiiraale uu sheegay in ay isla og yihiin madaxda sare ee dowladda Soomaaliya. Barre Hiiraale oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa waxa uu sheegay inay la dagaallamayaan ururka Shabaab, oo ay doonayaan sida uu yiri inay ka sifeeyaan goboladaasi. Yusuf-Garaad oo telefoonka kula xiriiray, ayaa marka hore Barre Hiiraale weydiiyay maaddaama ay qabsadeen degaanno fara badan
maalmihii na dhaafay, waxa qorshahoodu hadda yahay? |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||