 |
|
| Ra'iisul Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen waxa uu joogaa Nairobi |
Sii hayaha Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Aden Maxamed Nuur, iyo Ra'iisal Wasaare, Nuur Xasan Xuseen, ayaa maanta ka degey
Nairobi ka dib markii ay Addis Ababa wada tashi kula soo yeesheen madaxda Ethiopia.
Shiikh Aden Maxamed Nuur waxaa loogu fadhiyaa in uu ku dhawaaqi goorta la qaban doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo
in lala sugi doono inta baarlamaanka la ballaarinayo.
Soddon maalmood keliya ayaa Axdi Qarameedku qorayaa in gudahooda lagu soo doorto Madaxweyne.
|