|
Mareykanka iyo Islaamiyiinta Somalia
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Hadafkii ay ciidanka Ethiopia u soo galeen Somalia, ayna hiil-ka uga helen USA, hadafkaas oo ahaa jabinta Islaamiyiinta Somalia,
ayaa u muuqda mid aan wax guul ah laga gaarin.
Qaraxyadii lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar As Salaam, sanadku markuu ahaa 1998-ddii, ayaa gabi ahaanba beddelay mowqifka iyo siyaasadda Washington ee ku beegan Geeska Africa. Mareykanka ayaa tan iyo markaas ku qancay in Somalia, oo dowlad la'aan aheyd tan iyo 1991-dii, ay gabbaad wanaagsan u noqon karto Al-Qaacida, gabbaad-kaas oo waliba ay Al-Qaacida uga sii dusi karto Jaziiradda Carabta. Markii hore, jawaabta Mareykanku waxay aheyd mid taxaddar ku jiro, isagoo Marekanku uu maanka ku hayey fara-galintiisii hore ee Somalia, sanadkii 1993-dii, taas oo ku dhamaatay in meydka askar Mareykan ah lagu jiid-jiido waddooyinka Muqdisho. Laakiin markii uu awoodda dalka qabsaday Madaxweyne George W. Bush sanadkii 2001-da, taxaddarkaasi wuu isbeddelay. Sanadkii 2002-da, Washignton waxay saldhig millatari ka sameysatay Djibouti, kaas oo 1,700 ee askari ee saldhiggaas ku jira laga adeejiyey inay la dagaallamaan argagixisada gobolka. Sanad kaddibna, Mareykanku wuxuu $100 milyan oo doollar u qoondeeyey Qorshaha Ka Hortagga Argagixisada ee Geeska Africa, kaas oo lagu qeexay inuu yahay mid ay si wadajir ah uga shaqeynayaan laamo kala duwan oo ka tirsan hey'adaha ammaanka ee Mareykanka. Laakiin waxay aheyd 2005-tii, markii uu Mareykanku si dhab ah faraha ula galay amuuraha Somalia. Iyadoo ka walaacsan koboca Midowgii Maxkamadaha Islaamka, ayay Washington waxay taageertay askumidda Isbaheysigii Nabad Soo-Celinta iyo Ka Hortagga Argagixisada. Isbaheysigan ayaa dallad qura isugu keenay hoggaamiye-kooxeedyo Mareykanka gacan ka siin jiray soo qabashada shakhsiyaad lagu eedeeyey inay Al-Qaacida ku lug leeyihiin, oo la sheegay inay Somalia joogeen. Mareykanka ayaa sida lagu soo warramayo wuxuu dagaal-oogayaashan siin jiray lacag dhan $150,000 bishiiba, si ay howlgalkan u fuliyaan. Bishii lixaad ee sanadkii 2006-da, Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa gacanta ku dhigay Muqdisho, isla markaana isku dayey inay meel dhexe isugu yimaaddaan iyaga iyo Washington. Ha yeeshee isku daygaas ayaa fashilmay, kaddib markii canaasirta xagjira ee Maxkamaduhu ay Jihad ka dhan ah Ethiopia ku dhawaaqeen, taas oo dabadeedna sababtay in Ethopia ay soo gasho Somalia. Ergeyga ugu sarreeya ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Africa, haweeneyda la yiraahdo Jendayi Frazer, ayaa si cad ugu dhawaaqday in Maxkamadaha Islaamka u taliyaan xubno ka tirsan Al-Qaacida. Waxaa afkeeda la hayaa inay tiri: "hoggaanka sare ee Maxkamduhu waa kuwa xagjira. Waa argagixiso." Iyadoo ay taasi jirto, haddana Washington waxay isku taxallujisay inay baajiso in Ethiopia ay wada qabsato Somalia. General John Abizaid, oo marka ahaa taliyaha ciidanka Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa 2006-da loo ergeeyey Addis Ababa, si uu ugu sheego Meles Zenawi in qabsashada Somalia ay noqon doonto mid cawaaqib xumo leh. Somalia waxay noqoneysaa Ciraaq-da Ethiopia, ayaa laga sheegay inuu yiri. Digniintaas waa la'iska indha tiray, ciidanka Ethiopia-na gudaha Somalia ayay galeen, iyagoo Islaamiyiintii ka saaray Muqdisho. Laakiin si kasta oo ay Washington taxaddar u muujisay markii hore, wuxuu shaki yari ku jiraa in markii ay Ethiopia billowday howlkeeda, ay Washintonna ka haqab-tirtay xagga sirdoonka iyo basaaska, bartilmaameedsiga millatari, iyo taageerada xagga saadka ah ee ciidanka Ethiopia. Ethiopia ayaa ku guuleysatay inay dhidibbada u aasto DKMG ah ee caalamku aqoonsan yahay, balse itaalka daran. Markii hore, waxaaba la mooday in istiraatiijiyaddii ay guuleysatay. Islaamiyiintii ayaa la fogeeyey, iyagoo waliba lagu raad-joogay. Laakiin Islaamiyiinta, oo ay gacan siinayaan kuwa ugu xoogga badan, uguna xag jirsan ee Al-Shabaab, ayaa dib isku uruursaday, oo wax iska caabbiyey. Ciidanka millatariga Mareykanka ayaa isku dayey inuu baacsado kooxaha xagjira, meeshii lagu arkaba, iyadoo la isticmaalayo diyaarado, maraakiib dagaal, iyo ciidanka gaar ah oo lagu weeraray Al-Shabaab, ugu yaraan shan goor. Ha yeeshee, istiraatiijiyaddaas ayaa ku fashilantay inay jabiso kooxaha xagjira. Markii ay Ethiopia dalka qabsatay, dagaal yahannada Al-Shabaab kama badneyn 600. Maantana, hey'adaha sirdoonka ayaa ku qiyaasa inay u dhaxeeyaan min 2,000 illaa 3,000. Washington sida ugama hadal dagaalka dahsoon ee ay ka waddo Somalia, laakiin waxaaba iska yar waxa ay ku faani karto, kaddib dadaal sanado socday iyo malaayiin dollar. Somalia oo aan hadda laheyn madaxweyne ama baarlamaan wax ku ool ah, iyo iyadoo Islaamiyiintu ay ka xoog badan yihiin kahor
intii aaney Ethiopia dalkaba qabsan, waxay u muuqataa in siyaasadda Mareykanku ay jilbaha dhulka ku dhufatay. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||