http://www.bbcsomali.com

30 Disembar, 2008, 12:07 GMT; 15:07 SGA

Shiikh Xasan Daahir oo ka digay dagaal hor leh

Guddoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta dalka garabka Asmara, Sheekh Xassan Daahir Aweys, ayaa ka digay in iscasilaadda, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ay ka dhashaan dhibaatooyin la mid ah kuwii dalka ka dhacay sagaashamaadkii.

Xasan Daahir

Wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay salka ku hayso ciidamada Ethiopia iyo wax uu ku tilmaamay falalka iska horkeenid ah ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Wuxuu kaloo ka shaki ka muujiyay bixitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da, Cabdinuur Sheekh Maxamed, ayaa telefoonka kula xiriiray oo waydiiyay marka hore sida uu u arko iscasilaadda Madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.