17 Disembar, 2008, 05:04 GMT; 08:04 SGA
Maxamed Xaaji Xuseen
BBCSomali.com
Golaha Ammaanka ee QM ayaa qaraar cusub oo uu saaray wuxuu oggolaansho siiyey dalalka ay ciidankoodu ku howllan yihiin la dagaallanka burcad-badeedda ragaadisay xeebaha Somalia, inay weerarro ku qaadi karaan saldhigyada ay kooxahaasi ku leeyihiin goobo ku yaalla barriga iyo badda-ba.
Qaraarkan, oo ay dowladda Mareykanku si weyn u riixeysay, ayaa kasoo baxay kalfadhi ay Golaha Ammaanku Talaadadii ku yeesheen xarunta QM ee New York.
Muddada uu qaraarku jirayo ayaa noqoneysa hal sano, wuxuuna qaraarku kusoo beegmay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in burcad-badeeddu ay laba markab oo hor leh, ay shalay ku afduubteen Gacanka Cadmeed.
Kalfadhigii lagu soo saaray qaraarkan ayaa ahaa mid ay kasoo qeyb galeen wasiirrada arrimaha dibadda ee Mareykanka, Condoleeza Rice, Ruushka: Sergie Lavrov, Britain: David Milliband, iyo kuwa kale.
Qaraarka ayaa sheegaya in quwadaha caalamka laga doonayo inay fasax ama oggolaansho weydiistaan DKMG, ka hor intii aaney fulin holgal ka dhan ah burcad-badeedda, meel ka tirsan gayiga Soomaalida.
DKMG waxaa shirkaas uga qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Cali Jaamac Jangali.
Wuxuu iiga warramay sida uu u arko qaraankan.