http://www.bbcsomali.com

17 Disembar, 2008, 15:55 GMT; 18:55 SGA

Dacwad ka dhan ah Abdullahi Yusuf

Xubno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa maanta soo gudbiyay dacwad ka dhan ah Madaxweynaha KMG ah Cabdullaahi Yusuf Axmed, oo ay usoo jeediyeen eedeeymo culus.

Eedeymahaasi oo baarlamaanka hortiisa uu ka aqriyay Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta ee dowladda KMG Ibraahim Isaaq Yarow ayaa waxa baarlamaanka laga sheegay in ay ku saxiixan yihiin 117 xildhibaan.

Mooshinka Baarlamaanka

Dacwaddaasi loo soo jeediyay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa lagu dalbaday in Madaxweynaha xilka laga qaado, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka hadlay fadhigaasi uu sheegay in Madaxweynaha loo gudbin doono dacwadda si uu uga soo jawaabo.