11 Disembar, 2008, 17:36 GMT; 20:36 SGA
Raiisal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa u sheegay baarlamaanka in ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaliya jooga ee ka kala yimid Uganda iyo Burundi, ay doonayaan in ay Soomaliya ka baxaan ciidamada Ethiopiyana ay ilaalinayaan marka ay baxayaan.
Laakiin ciidamada nabadilaalinta ee Midowga Afrika ee Uganda iyo Burundi ayaa sheegay in ay sii kordhin doonaan joogitaankooda Soomaliya madaama Ciidamada Ithoobiya ay baxayaan.
Raiisal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa dadka ka yaabiyey markii uu ku dhawaaqay war ku saabsan ciidamada nabad ilaalinta ee AU, mar uu barlamaanka Addis Ababa su'aalo ay waydiinayeen xildhibaanada.
Wuxuu xildhibaanada u sheegay in ciidamada Ethiopia ay u sii joogayaan Somalia oo kali ah inta xoogaga AU aakhirka ay ka diyaar garoobayaan sidii ay uga bixi lahaayeen dalka Somalia iyo in ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan Somalia mar alaale iyo marka ay kuwa AU ay diyaar u noqdaan in ay baxaan, taas oo ku xiran sida ugu dhakhso badana in ay ku baxaan.
Melez wuxuu sheegay in ay sugayaan diyaarado iyo maraakiib ka soo qaada somalia ciidamada uganda iyo kuwa Burundi oo dalalkoodii ku celiya.
R/wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in dawladaha Uganda iyo Burundi ay hore ugu wargaliyeen Ethiopia in aysan labadaas dal dooneyn in ay sii joogaan Somalia kadib marka ciidamada ethiopia ay baxaan iyo AU oo waydiistay amni iyo taageero si loo sugo si nabad ah inay Somalia uga baxaan ciidamada nabad ilaalinta ee AU ee ka kala socda Uganda iyo Burundi.
Laakiinse labada dal midna si cad uma sheegin inuu kala bixi doono ciidankiisa dalka Somalia. Haddii ay dhab tahay warka Zenawi sheegay, waxaa xaqiiq ah in Somalia ay food saareyso wax uu ku tilmaamay madaxa AU, Jean Ping waxa ugu xun ee ay la kulmi karto Somalia.
Dawladda KMG ee somalia caga-adag kuma taagna, waxaana haysta kacdoon ay ku hayaan islaamiyiin, xukuumaduna waxay isku haleyneysaa waa malashiyo iyo ciidamo cusub oo dhawaan loo soo tababaray.
Warkan uu sheegay Zenawi wuxuu ku soo beegmay golaha amaanka ee Qaramada midoobay oo lagu wado inuu ka fiirsado hindise cusub oo Maraykanka wado oo ah ciidan xoog leh oo QM ka socda oo nabad ilaalin ah in la geeyo Somalia, taas oo AU uu cadaadis ugu jiray.
Hanjabaada ah ciidamada Africa gidigood waa ay ka baxayaan Somalia, waxaa dhici karta in ay wax ka bedesho habka looga fakaro
xarunta UN ee New York oo laga yaabo in la meel mariyo qaraarkan Maraykanka.