http://www.bbcsomali.com

05 Disembar, 2008, 06:14 GMT; 09:14 SGA

Martin Plaut iyo Peter Grest
BBC News

UNICEF iyo ICRC oo ka deyriyey xaaladda Somalia

Hey'adaha samafalka ee ICRC iyo UNICEF ayaa soo saaray 2 warbixin oo ay uga deyriyeen xaaladda nafaqada, iyagoo ka digay in macluul baahsani ay ku dhufato dalka Soomaaliya.

Warbixinta ICRC

Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in dalka Somalia uu halis ugu jiro inay macluul baahsan ka dillaacdo, iyadoo indhaha caalamkuna ay imminka kusii jeedaan dhibaatada burcad-badeedda halakeysay xeebaha Geeska Africa.

Hey'addu waxay sheegtay in Somalia ay mareyso dhammaadkii muddo 15-sano ah oo ay kasii dareysay xaaladda dalkaas. Abaaro, daadad iyo colaado ayaa qeybo badan oo kamid ah dadka, waxay ku horseedeen wax la'aan ba'an.

Alexandre Liebeskind, madaxa hey'adda Laanqeyrta Cas qeybteeda Geeska Africa, ayaa sheegay in dad badani ay hadda quudanayaan xoolohooda irmaanka ah, sida geela iyo ariga, kuwaas oo ah kuwii ay ugu jeclaayeen.

Taas waxay astaan u tahay buu yiri inay aad u korodhay baahida ay dadku qabaan. Intaas waxaa sii dheer inuu jiro dagaal u dhaxeeya DKMG oo gacan ka heleysa Ethiopia, iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Dagaalladaas aan dhammaadka laheyn ayaa hey'adaha samafalka ku khasbay buu yiri inay gargaar gaarsiin waayaan dadka u baahan.

Warbixinta UNICEF

Ka sokow shaqaalaha xagga samafalka ee ajnabiga ah ee dalka isaga baxaya, xitaa shaqaalihii Soomaalida ayay ku adag tahay inay waajibkooda gutaan, sidaas waxaa yiri agaasimaha Laanqeyrta Cas Geeska Africa.

Mr. Liebeskind ayaa marxaladda abaareed ee uu dalku hadda marayo wuxuu la barbar dhigay macluushii dhacday sanadkii 1992-dii, taas oo ay boqollaal kun oo qof ku geeriyoodeen.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in hey'ado ay Laanqeyrta Cas kamid tahay, ay aad isaga ilaaliyaan inay isticmaalaan ereyga macluul, iyagoo ka cabsi qaba in si macno darro ah loo isticmaalo.

Balse wuxuu sheegay in marxaladdu ay hadda ku habboon tahay sifadaas. Hey'adda ayaa ugu dambeyntii ku baaqday in soohdimaha Somalia la furo, si ay dadku uga baxsadaan musiibada kusoo fool leh.