http://www.bbcsomali.com

03 Disembar, 2008, 03:23 GMT; 06:23 SGA

Mohamed Haji Hussein
BBCSomali.com

Qaraar ka dhan ah burcad badeeda

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cusbooneysiiyey qaraarkii u idmayey quwadaha caalamka inay baacsadaan burcad-badeedda kusii faafeysa xeebaha Geeska Africa.

Kalfadhi uu goluhu yeeshay shalay, ayuu ku taageeray qoshe ay wadaan ciidamada badda ee Midowga Europe, kaas oo looga gol leeyahay in lagu cirib-tiro falalka burcad-badeedda xeebaha Somalia.

Warbixinta

Howlgalka Midowga Europe, oo loogu magac daro Atalanta, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ugu yaraan shan markab uu kuwa dagaalka ah, kuwaas oo ilaalin doona Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Golaha Ammaanka ee QM, ayaa sidoo kale soo jeediyey in dacwado lagu soo oogo burcad-badeedda, marka la qabto.

Ugu yaraan 100 weerar oo burcad-badeed ah ayaa ka dhacay xeebaha Somalia tan iyo billowgii sanadkan.