|
Maxamed Cumar Xabeeb oo ay qabteen ciidamo Ethiopian ah
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Guddoomiyihii hore e ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ayaa maanta waxaa qabtay ciidamo Ethiopian ah.
Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen ayaa horey amar ugu bixiyay in Maxamed Cumar Xabeeb uu ka baxo guriga uu deggan yahay oo dowladdu siisay markii xilka loo magacaabay. Waxaa kale oo Ra'iisul Wasaaruhu amar ku bixiyay in Xabeeb uu wareejiyo hub ay dowladdu leedahay oo isagu uu mas'uul ka ahaa. Maxamed Cumar xabeeb arrintaasi wuu ka meermeeray ilaa iyo haddana ma wareejin guriga iyo hubka toona Xil ka qaadista Maxamed Cumar Xabeeb waxay ka mid ahayd sababaha ugu waaweyn ee keentay in dowladdu ku kala jabto, isla markaana in ka badan toban wasiir ay xilalkoodii isaga casilaan. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||