BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
25 Disembar, 2008, 18:44 GMT; 21:44 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Burcad badeed laga awood bediyay
 
ciidamada Germany
Ciidamada Germany waxay awood u sheegteen burcad badeed Somali ah
Ciidamada badda Jarmalka, ayaa sheegay in ay xireen oo ay hubka ka dhigeen lix burcad badeed, oo isku dayaysay in ay markab ka afduubaan xeebaha ka baxsan Soomaaliya.

Markabka Karlsruehe, oo ka shaqeeya gacanka cadmeed, ayaa helicopter u diray in ay difaacdo markab xamuul oo Masar laga leeyahay oo burcad badeedu weerareen oo ay isku dayeen in ay fuulaan.

Taliyaha Christoph Kohlmorgen, oo ah afhayeen u hadlay ciidamadda badda Jarmalka oo ku sugan Djibouti, ayaa u sheegay BBC-da in howlgalka loo fuliyay sidii loogu talo galay.

Dhinaca kale safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay u fadhiya, Zhang Yesui, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay taageerayso go'aanka xukuumadda Beijing ee maraakiibta dagaalka loogu dirayo gacanka cadmeed si loo ilaaliyo burcad badeeda Soomaalida ah looga ilaaliyo maraakiibta Shiinaha.

Sadex markab ayaa la filayaa in ay Shiinaha ka baxaan Jimcaha beri, waana howlgalkii ugu waynaa ee ciidamada badda Shiinaha ay ka fuliyaan dibedaha tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Japan, ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso in ay tallaabo noocaas ah qaaddo.

Arbacdii, ayaa dowladda Yemen, waxay ku dhawaaqday in ay abuurayso xarun ka hortagga burcad badeedda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin