BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
21 Disembar, 2008, 19:15 GMT; 22:15 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
IGAD oo saartey cunaqabatayn Madaxweynaha
 
Cabdullaahi Yusuf
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed
Wasiirada arrimaha dibedda Bariga Africa, ayaa ku dhawaaqay in ay cunaqabatayn ku soo rogaan Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay taageerayaan ninka ay siyaasadda isku hayaan Ra'iisul Wasaare, Nuur Xasan Xuseen.

Kulan ay ku yeesheen Addis Ababa, ayaa wasiiradda waxay ka wadahadleen sida loo bedali karo ciidamada Ethiopia marka ay ka baxaan Soomaaliya todobaadyada soo socda.

Madaxa guddiga Midowga Africa, Jean Ping, ayaa sheegay in Nigeria ay diyaar u tahay in ay ciidamo dirto.

Mustaqbalka ciidamada Midowga Africa ayaa sidoo kale looga hadlayaan kulan ay yeelanayaan Isniinta.

Soomaaliya, oo dagaal gudaha ah uu aafeeyay, ayaan lahayd dowlad dhexe in ka badan shan iyo toban sano.

Laakiin wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD hadalkan ay soo saareen, waxaa yara mugdi geliyay hadallo kale, oo iyaga qaar ka mid ah laga soo xigtay oo sheegaya in arrintani ay tahay digniin ee aan weli la soo rogin cunaqabateynta.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadani waxay Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf, ku keeni doontaa in ay ku adkaato in uu hawl weyn dalka ka qabto.

Mar haddii xukuumadda iyo qaar badan oo mudanayaasha baarlamaanka ahi ka soo horjeedaan, mucaaradka Islaamiyiintu uu awalba dagaal kula jiray, haddana ay dalalka IGAD ka hor yimaadeen.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin