BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ethiopia oo markale xaqiijisay ka bixitaanka
 
berhanu
Berhanu Kebede waa safiirka Ethiopia u jooga London
Safiirka waddanka Ethiopia u jooga magaalada London, Berhanu Kerbede, ayaa markale xaqiijiyay in waddankiisa uu qorsheynayo in uu dhameytiro la bixitaanka ciidamada Somalia ka jooga bishan dhamaadkeeda.

Heshiiskii ay dhawaan ku saxiixeen dowlada KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta Somalia ayaa dhigayay in ciidamada dowladda Ethiopia ay isaga baxaan Somalia maanta.

Laakiin weriyeyaasha ku sugan Somalia ayaa sheegaya in aanay muuqan in taasi ay dhacdo.

Dowladda Ethiopia ayaa horey u sheegtay in dhamaan ciidamadeeda ay kala bixi doonto dhamaadka bishan, taasi oo ku beegan labo sano markii ay ciidamada Ethiopia soo galeen Somalia, xilligaasi oo awoodda ka tuureen maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee talada hayay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin