BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Disembar, 2008, 18:37 GMT; 21:37 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ethiopia oo beenisay inay hub culus isticmaaleen
 
ciidamada ethiopia
Ethiopia waxay sheegtay in ciidankeeda ay kala baxayso Somalia
Maanta dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo rayid ah iyadoo ilaa toban qofna ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegeen dad goob joog ahaa madaafiic ayaa la adeegsaday, waxaana ay ku tilmaameen in ay ka soo dheceen xero ay wada deggan yihiin ciidan Ethiopian ah iyo qaar ka tirsan ciidanka dowladda.

Madaxa diblomaasiyiinta Ethiopia ee ku sugan Muqdisho, Abdeta Dibrisa, oo BBC-da la soo xiriiray ayaa ku tilmaamay in ciidanka Ethiopia aanay adeegsan hub culus, isagoo ku eedeeyay Shabaab inay mas'uul ka ahaayeen weerarkii maanta dhacay.

Af hayeenka Shabaab oo isla xilliyadaas la soo xiriiray weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa weriyaha waxaa u suurta gashay in uu su'aal keliya weydiiyo.

Laakiin marka hore, Mukhtaar Roobow wuxuu faahfaahin ka bixiyay shir saxaafadeed oo uu isagu maanta ku qabtay Muqdisho.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin