|
MM Guuleed oo loo magacaabay Raiisal Wasaare
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf, ayaa Maxamed Maxamuud Guuleed, u magacaabay Ra'iisal Wasaare.
Arrintani waxay ka dambaysay markii Madaxweynuhu uu ku dhawaaqay in uu Nuur Xasan Xuseen ka qaaday xilka.
Laakiin Nuur Xasan Xuseen isaga iyo Gole Wasiir oo uu magacaabay ayaa waxay kalsooni ka heleen baarlamaanka, waana la dhaariyay. Madaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyay in booliisku baaritaan ku soo sameeyo waxa uu ugu yeeray "wixii foosha xumaa ee ka dhacay baarlamaanka" iyo "raggii aan Wasiirrada ahayn ee baar Peking lagu dhaariyay". Arrintani waxay keeni kartaa in ay ku burburaan Golahaasha Dowladda Soomaaliya ee ku-meel-gaarka ah. Haddiiba ay Golayaashu xaaladdan ka badbaadaan, waxaan ka wada badbaadi doonin Madaxda Sare oo kala ah, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Ra'iisal Wasaare. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||