BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Disembar, 2008, 12:18 GMT; 15:18 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Nuur Cadde oo helay taageero kalsooni
 

 
 
baarlamaanka
Baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa ansixiyey dowladda Nuur Cadde
Baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa kalsooni aqlabiyad buuxda ku siiyay Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen maalin uun kadib markii Madaxaweynaha Somalia Cabdullahi Yusuf Axmed uu ku dhawaaqay in xilkii uu ka qaaday Ra'iisul wasaaraha.

Baarlamaanka ayaa kalsoonida ku siiyay Nuur Cadde kulan qaas ah oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xaruunta u ah baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Somalia Shiikh Aadan Nuur Maxamed Madoobe oo kullankaasi kadib BBC-da la hadlay ayaa sheegay in go'aanka Madaxweynuhu ahaa mid sharci darro ah.

Nuur Cadde ayaa horey u sheegay in Madaxweynuhu awood u lahayn inuu xafiiska ka eryo.

Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa maalintii
Axada waxa uu ku dhawaaqay inuu shaqada ka eryay dowladda Nuur Xasan Xuseen kadib markii ay ku guuldareysatay inay nabadgelyo ka dhigto Somalia.

Madaxa guddiga Midowga Africa Jean Ping ayaa sheegay in xil ka qaadistaasi ay sii wiiqi karto dadaalka lagu doonayo in nabad looga dhaliyo waddanka Somalia.

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu ka mid yahay xubnaha dowladda ku jira ee soo jiidan kara taageero caalami ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin