BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Disembar, 2008, 18:04 GMT; 21:04 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
EU oo bilawday hawlgal ka dhan ah burcad badeedda
 

 
 
sirius star
Burcad baddeeda Somalia waxay weli heystaan markabka Sirius Star
Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee Midowga Yurub ayaa bilaabay hawlgal ay kula dagaallamayaan burcad badeedda Somalia, iyagoo roondo ku sameynaya xeebaha.

Hawlgalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee Midowga Yurub ay sameeyaan taariikhda intii ay jireen.

Ciidamadan ayaa hawsha kala wareegaya kuwa hadda haya ee ka socda Gaashaan-buurta NATO, toddobaadka dabayaaqadiisa, waxaana uu socon doonaa ugu yaraan muddo hal sano ah.

Laakiin su'aashu waxa ay tahay ma laga yaabaa inay wax is beddel ah ka sameeyaan dhibaatada ka jirta biyaha burcad badeeddu ku badan tahay ee Somalia.

Weriyaha BBC ee arrimaha Yurub Oana Lungescu ayaa la hadashay taliyaha hawlgalka ay wadaan ciidamada Midowga Yurub.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin