BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Disembar, 2008, 04:58 GMT; 07:58 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Wareysi: Taliyaha ciidanka AMISOM
 

 
 
Taliyaha ciidanka AMISOM ayaa wareysi gaar ah siiyey BBC-da
Taliyaha ciidanka AMISOM ayaa wareysi gaar ah siiyey BBC-da
Taliyaha ciidanka AMISOM ee Muqdisho jooga Gen. Okelo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey BBC-da ku sheegay in nabad-ilaaliyayaashiisu ay sii joogaan doonaan Soomaaliya.

Wareysiga dhinacyo badan taabanaya ayuu Gen. Okelo siiyey Laanta Af-Soomaaliga, isagoo sheegay in ujeeddada howlgalka ay ku joogaan Muqdisho ay tahay inay jawi nabadeed u abuuraan kooxaha isku haya dalka Soomaaliya.

Socdaalka Sh. Shariif

Gen. Okelo ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo socdaalka uu guddoomiyaha Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Soomaaliya ku tagay caasimadda toddobaadkan. Wuxuu socdaalkaas ku sifeeyey inuu yahay mid isku soo dhaweynaya dhinacyada Soomaalida ee kala irdhoobay.

Bixitaanka Ethiopia

Mar la weydiiyey sida uu u arko wararka is khilaafsan ee kasoo baxaya bixitaanka ciidanka dalka Ethiopia, wuxuu generalku sheegay in dowladda Ethiopia iyo Qaramada Midoobay ay si rasmi ah u wargalisay inay dalka isaga bixi doonto dabayaaqada bishan. Sidaas daraaddeedna ay iyagu u diyaar garoobayaan inay ciidankaas baxaan. Wuxuuna sheegay inay taasi qeyb ka tahay heshiiskii Djibouti ku dhex maray DKMG iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin