|
Kumanaan ciidamo oo ka goostay dowladda
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Warbixin uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 15,000 oo ciidamo iyo booliis
Somali ah ay ka goosteen dowladda KMG ah, iyagoo la tegay qoryihii, baabuurtii iyo dharkii ay xirnaayeen.
Tiarada ayaa ah 80% ciidamada guud ee ay leedahaya dowladda KMG ah ee Somalia.
Madaxa qeybta kormeerta omalia ee QM oo ah Safiirka Koonfur Africa ee QM Dumisani Kumalo, ayaa sheegay in kooxaha Islaamiyiintu ay heleen qaar badan oo ciidamadaasi dowladda ah hubkoodii. Waxaa sidoo kale uu sheegay in miisaaniyadii dowladda Somalia ee dhinaca ammaanka ay gabi ahaan ku baxday musuqmaasuq. Taliyaha booliiska Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka jawaabayay warbixintaasi ayaa BBC u sheegay in aanay waxba ka jirin, isla markaana dhamaan lacagtii ciidanka ay u isticmaaleen si sax ah. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||