|
Dagaal ka qarxay magaalada Muqdisho
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dagaal xooggan ayaa saakay ka qarxay caasimadda Xamar, wuxuuna kusoo beegmay hal maalin kaddib markii uu Sh. Sharif Sheikh
Axmed tagay magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Wardhiigleey, gaar ahaan meel u dhow Guriga Madaxtooyada. Lama hubo khasaaraha ka dhashay dagaalka, ha yeeshee dhowr qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen. Afhayeen u hadlay Midowga Maxkamadaha Islaamka, C/raxiim Ciise Caddow, ayaa BBC u xaqiijiye in kooxdoodu ay weerarka soo qaadeen. Lama hubo sababta ay kooxdani weerarka usoo qaadeen, iyadoo uu magaalada soo gaaray guddoomiyaha Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Somalia. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||