|
Shiikh Shariif oo ka degay Muqdisho
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa markii ugu horeysay muddo laba sano ah waxa
uu goor dhaw tagay magaalada Muqdisho.
Shiikh Shariif ayaa wafdigiisa waxa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey xubno ka mid ahaa golaha wasiiradda ee dowladda KMG ah, sida Wasiirka Beeraha Mustaf Dhuxuloow iyo Salaad Cali Jeelle, Taliyaha booliiska Cabdi Qeybdiid iyo madaxda gobolka Banaadir. Shiikh Shariif ayaa la sheegayaa in isaga iyo xubno ay isla socdeen ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, inkastoo markii hore laga filayay inuu ka soo dego garoonka Cisaley. Saxaafadda ayaa loo diiday inay galaan gudaha Garoonka. Shiikh Shariif ayaa magaalada Muqdisho isaga baxay dabayaqaadii sanadkii 2006 markii xoogaggii maxkamadaha Islaamiga ee xilligaasi
gacanta ku hayay inta badan Koonfurta Somalia, laga awood badiyay oo ciidamad Ethiopia ay soo galeen Somalia. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||