 |
|
| Ciidamada Ethiopia waxa ay tageen Somalia, iyagoo taageeraya dowladda Somalia |
Ururka Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ee fadhigiisu yahay waddanka Mareykanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha la doortay
ee Mareykanka Barack Obama inuu beddelo siyaasadda Mareykanka ee Somalia.
Hey'adda ayaa sheegtay in maamulka Mareykanku ku guuldareystay inuu wax ka qabto xagjirnimada oo looga baahnaa inay ka guuleeysato.
Warbixinta ayaa sheegtay in Washington ay si toos ah u taageertay ciidamada dowladda deriska, oo iyaguna gacan siiya dowladda
KMG ah ee la dagaalameysa kooxaha kacdoonka.
Hey'addaha Xuquuqda aadanaha ayaa waxay warbixinteeda ka hadashay nolosha argagaxa leh ee maalinba ee magaalada Muqdisho.,
iyadoo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha hubeysan ee kacdoonka wada ay isku ridaan madaafiic iyagoo aan u aabo yeelin kumanaanka
qof ee rayidka ah ee ku nool caasimadda.
|