|
Djibouti: Waa la yaab hadalka Puntland
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dowladda Djibouti ayaa filan- waa ku tilmaantay hadalkii ka soo yeeray Puntland ee ahaa in heshiiska Djibouti uu yahay mid
lagu fashilinayo DKMG ah Puntland-na aan lala socodsiin.
Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, oo ah wasiirka Arrimaha Islaamka & Awqaafta, isla markaana ah wasiirka Djibouti u qaabilsan shirka halkaas ka socday, ayaa sheegay in dadaalka Djibouti ka socda uusan aheyn mid u dhaxeeya labo gobol, sida Banadir iyo Puntland, balse uu yahay mid heer qaran ah, oo u dhaxeeya DKMG, iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Somalia. Sidaas darteed ayuu wasiirku sheegay in wax lala yaabo ay tahay in maamulka Puntland uu shirka dibu-heshiisiinta ee Djibouti ku sifeeyo mid lagu marin habaabinayo DKMG. Dr. Suldaan ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay waligeed u taagneyd sidii ay shacabka Soomaaliyeed u gacan qaban laheyd, isla markaana uga saari laheyd dhibaatooyinka ku habsaday. Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay jamhuuriyadda Djibouti ku sugan yihiin madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Gen. Cadde Muuse. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||